Sunday, December 18, 2016

Qorshe lagu diiwaan galinayo websiteyada ay dadka reer UK booqdeen ayaa waxaa ka soo horjeestay shirkadaha teknoolajiyada oo doonaya inay bixiyaan hab ay ku qariyaan meelaha ay dadka booqdeen.





Shirkadaha internet-ka ayaa doonaya inay ka hortagaan sharciga lagu ogaanayo websiteyada la booqdo.
Shirkadaha internetka bixiya, ayaa mudo dhow looga baahnaan doonaa inay diiwaan galiyaan meelaha ay macaamiishooda booqdaan oo ay ku jiraan websiteyada iyo app-ka fariimaha la isugu diro.
Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay inuu sharciga caawin doono si looga hortago argagixisada, laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in dadka kombutarada xogtooda u dhaca inay heli karaan xogta macaamiisha.
"Waxay qaadataa in qof xun ay u suurto gasho inuu helo xogta oo dhan" ayuu sheegay James Blessing, oo ah gudoomiyaha ururka shirkadaha bixiya internetka ee (Ispa), oo ay ku jiraan shirkadaha BT, Sky, Virgin Media, TalkTalk iyo kuwo kale.
"Wax walba ayaad isku dayi kartaa si aad u ilaalisid xogta laakiin mar walba qof ayaa kaa aqli badinaya. Qaladaad ayaa dhacaya. Waa goorma ayay dhici doontaa. Waxaa la rajaynaa inay dhacdo tobanaan sano ama boqolaal sano gudahood. Laakiin waxay dhici kartaa toddobaadka danbe."
Xogta la qariyay
Sharciga (Investigatory Powers Bill), oo uu ansixiyay aqalka sare ee baarlamaanka Uk ee House of Lords, 19-kii November, ayaa sharci noqonaya ka hor dhamaadka 2016.
Hadda, shirkadaha bixiya internetyada gaarka ah ee (VPN) ayaa ka faa'idaysanaya sharcigan bilaabanaya si ay adeegooda u bixiyaan.
VPNs ayaa si digital ah uga bixisa xogta meelaha uu booqday qofka waxayna u dirtaa xarumo kombutero ee xogta kaydiya oo ay leeyihiin (servers), inta aysan u gudbin website ama app uu qofka ka isticmaali karo. Sidoo kale waxay samayn kartaa inay qariso websiteyada uu qofka booqdo.
Halka ISPs ay diiwaan galinayaan meel walba ay macaamiisha booqdeen, xogta kaliya ay shirkadahan siin karaan masuuliyiinta ayaa ah in macaamiisha ay isticmaaleen VPN.
"Waxaan aragnay sanadkii hore codsi badan oo ka yimid Australia markii sharciga diiwaan galinta xogta ay hirgashay" ayay BBC u sheegtay Jodi Myer, oo ah afhayeenka NordVPN.
"Waxaana hadda arkaynaa koror ku yimid dad reer UK ah oo doonaya inay ogaadaan adeegan".
"Faa'iidadeenna noogu weyn waxay tahay inaan leenahay siyaasad inaan xogta la diiwaan galinayn," ayay hadalkeeda ku dartay.
"Xarumaheennu waxay ku yaalliin dalka Panama, halkaas oo aan lahayn sharciyo xogta lagu haysanayo, saas awgeed waxay noo suurta gelinaysaa inaan arrintan sameyno.
"Xataa haddii ay waxa ugu xun dhacaanna oo kombiyuutaradeenna la qaado, wax noogu qoran ma jiraan waayo sida ay u qoran yihiin awgeed."

Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay in sharciga "(Investigatory Powers Bill), uu siinayo hayadaha ammaanka awooda ay u baahan yihiin inay ka difaacaan UK argagixisada iyo danbiilayaasha iyadoo aan sharciga lagu xadgudbeen.
"Argagixisada iyo danbiilayaasha waawayn waxay mar walba helayaan hab ay uga hortagaan inaan la ogaan."
"Si loo hubiyo inaysan guulaysan, kama hadalno habka iyo awooda ay leeyihiin hayadaha ammaanka iyo sirdoonka."

Share this article :

0 comments: