Sunday, December 4, 2016

Wax ka Baro Awoodaha Cajiibka Ah Ee Allah (SW) Ku Mannaystay Xayawaanka Qaar


Noolaha waxa uu Alle (SWT) ku kala duway maskaxda oo uu si gaar ah Aadamaha uga faddilay noolaha kale oo dhan. In kasta oo aanu xayawaanku garaad lahayn, haddana waxa uu Alle siiyey awoodo badan oo ka kaba nusqaantaas, qaar badan oo ka mid ahna aanu aadamuhu lahayn. Awoodahaas xikmadaha Rabbaaniga ah ee ku jiraa waa in xayawaankani uu yeesho awood uu kula qabsan karo deegaanka iyo hadba duruufaha uu la nool yahay. Qormadan oo aynu usoo rognay af Somali waxaa aynu ku eegaynaa qaar ka mid a hawoodahaas xayawaanka uu Alle ku xoojiyey.

1 . Hombarada (Dolphin):

Xayawaanka Hombarada ee bad ku noosha ahi waxa uu awood abuur ah u leeyahay in marka uu seexanayo ay maskaxdiisu qayb ahaan uun seexato, halka qaybta kalana ay soo jeeddo, sidoo kale labadiisa indhood midkood waa uu xidhaa, isha kalana kala badh ahaan ay furantay. Arrintaas oo ay khubaradu ku tilmaameen in ay tahay hab uu xayawaankani kula socdo waxa hareerihiisa ka socda iyo haddii uu cadow ku soo fool leeyahay.

Sidoo kale Hombaradu waxa ay awood abuur ah u leedahay in marka ay khatari jirtu ay isu diraan ishaarooyin ah farriimo la is farayo in biyaha ay dibadda uga soo baxaan oo ay hawada qaataan, si ay isaga ilaaliyaan qaraqa.

2. Qudhaanjada:



 oo ah xayawaan aad u taagdaran, balse leh awoodo ay ugu muhiimsan tahay in ay leedahay hab maamul dowladnimo u eeg oo kala dambayn iyo amar kala qaadasho ku jirto, isla markaana leh hab nololeed isu dheelli tiran oo ay u qaybsan tahay maamul, shaqaale iyo raciyad.

Qudhaanjadu caadi ahaan ma’ seexato sida in badan oo noolaha ka mid ahi habeenkii seexdo. Khubarada xayawaanka u kuur galaa waxa ay sheegeen in qudhaanjadu ay boqollaal jeer oo maalintii ah hadba waqti aad u yar yara suurto ama dhakoosho, taasina ay kabto hurdo la’aanteeda aanay abuur ahaan seexan waqti buuxa.

3. Jeer:


 Jeerta oo ah xayawaan berri-biyood aad u xoog badani waxa ay leedahay awood Rabbaani ah oo jidhkeedu uu ku soo daayo dareere shaqadiisu tahay in uu qaboojio, ka ilaaliyo qallaylka (qoyaan u sameeyo), liddi ku ah cudur-sidayaasha iyo fayrasyada kala duwan isla markaana qorraxda ka ilaaliya.

4. Balan-baalista:


 Balan-baalista oo sida aynu la soconno ka mid ah xayawaannada kuwa taagta daran, ayaa leh awood abuur ah oo ay nolosheeda ku ilaaliso. Waxa ay awood u leedahay in ay dhadhamiso shay kasta iyada oo aan cunin jidhkeedana aanu gelin.

5. Biciidka:

 Sida ay xaqiijiyeen khubarada baadhaha dabeecadaha iyo nolosha xayawaanku, xayawaanka Biciidka la yidhaahdaa xilliga jiilaalkii waxa uu wax ka beddelaa midabka dabiiciga ah ee maqaarkiisa sare, waxa aanu u ku badiyaa caddaanka, taas oo ay khubaradu ku macneeyeen in midabkaasi uu iska caabbiyo falladhaha qorraxda, taanina ay tahay hab abuur ah oo Alle ugu talogalay in xayawaankani xilliga xagaagii kulaylka badan ee qorraxda kaga raysto.
Sidoo kale Biciidku xilliga jiilaalkii midabkiisa waxa uu u beddelaa midabka dambaska oo uu ku dhex qasan yahay midab bunni ahi, taas oo iyaduna ah hab kale oo uu ugu adkaysan karo qabowga xilligaas.

6.Tukaha:


Tukuhu waxa uu leeyahay awood Rabbaani ah oo uu ku xasuusan karo wejiga qofka khatarta geliya noloshiisa. Tukuhu waxa uu ka mid yahay xayawaannada ay khubaradu isku waafaqsan yihiin garaad badnaantiisa, gaar ahaan marka la eego dhinaca hawlqabadkiisa, ilaalinta ammaankiisa iyo guud ahaanba maamulidda hab-nololeedkiisa oo dhan. Waxa ay khubaradu tilmaameen in tukuhu awoodo in uu qabto hawlo maskax badan u baahan oo aanu daanyeerka oo qudhiisa garaad badnaan lagu tilmaamaa qaban karin.

Xigasho: daryeelmagazine.com
Share this article :

0 comments: