Saturday, December 17, 2016

Shirkada Yahoo oo laga xaday 'Hal bilyan' oo macluumaad oo macaamiisheedu lahaayeen


Yahoo waxey sheegtay in inkabadan hal bilyan oo qof cinwaanadooda ay saameysay weerar dhanka internet-ka ah oo barta shirkadda lagu qaaday sanadkii 2013kii.
Shirkadda waxey tilmaamtay in arrintan ay u muuqato inay socotay illaa bishii September ee 2014kii.
Xilligaasi Yahoo waxay sheegtey in 500 oo milyan oo qof in cinwaanadooda la jabsaday.

Shirkadda Yahoo waxey xaqiijisay in magacyo, lambaro telefoon, baasiwooro ama lambarada sirta, iyo cinwaanno in la xaday, balse aanan la xadin bangiyada ama farriimaha mushaaraadka ee dadkaa la dhacay.
Yahoo oo ay la wareegtay shirkadda Verizon, waxay sheegtay inay si dhow arrintan ugala shaqeynayso booliska iyo maamullada ay quseyso.

War-qoraaal ah ayay ku sheegtay "Waxaan aaminsan nahay in dadkale oo aan la garaneyn, bishii August ee 2013kii, ay xadeen akhbaaraadka in kabadan hal bilyan oo cinwaan".
Dhacaasi ayaa "la fahmaay 22-kii bishii September ee Sanadkan" sida shirkadda ay ku warrantay.
Sikastaba, dhac internet-ka ah ayaa qeyb ka ah hal arrin oo ay baarayaan maamulka iyo laamaha amniga kaas oo soo gaaray illaa 2014kii, sida yahoo ay sheegtay, waxayna arrintaasi socotay seddax sano.
dadka isticmaala Yahoo ayaa loogu baaqay inay bedelaan lambarada sirta ee cinwaanadooda.
Q/W: Mohamed Nour

Share this article :

0 comments: